Allbanaadir.com
NEWS

Nin 45 sanno jir ah oo is dilay Kaddib markii xaaskiisa u diiday in ay u kariso Digaag !

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay dhacdo dad badan aad u layaabeen, kaddib markii nin 45 sanno jir ah uu is gubay isna dilay, isaga oo ka carreesnaa in xaaskiisa diiday in ay u karisi digaag ama dooro.

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay baarayaan falkan uu isku dilay John Rugala oo 45-sanno jir ahaa, waxa ayna booliiska sheegeen in xogta hordhaca ah ay heleen tilmaameyso in ninkan xanaaq dartiis isku gubay.

“Ninka oo lagu magacaabo John Rugala ayaa isku soo xiray guriga ka hor inta uusan gubin. Waxaa lagu eedeeyay in xaasku ay diiday inay u kariso digaag,” ayuu yiri John Atanya oo kamid ah saraakiisha booliiska Kenya.

Ninkan ka carrooday in loo diiday in la qalo loona kariyo digaag ay gabadhiisa laheyd ayaa isku soo xiray qol kaddibna dab is qabadsiiyay, waxaana dadka deegaanka oo isku dayay in ay dabka damiyaan ku guul dareesteen badbaadinta ninkaasi.

Dhacdadan ayaana noqotay mid si weyn looga hadal hayo gudaha dalka Kenya ayna baahinayaan warbaahinta dalkaasi, waxaana dadkii dhacdadan maqlay uga falceliyeen siyaabo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilham Aliyev oo saxiixay heshiiskii Azerbaijan iyo Somalia

Caydiid Ali

IGAD oo qoraalo shaki abuuray ka soo saartay doorashadii Madaxweyne Qoor-qoor

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Qaabilay Mauri Starckman iyo wafdi uu hoggaaminayay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---