Madaxweyne Deni oo Qaabilay Mauri Starckman iyo wafdi uu hoggaaminayay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Finland oo uu hoggaaminayo madaxa horumarinta mashaariicda ee Finland u Qaabilsan Soomaaliya Mauri Starckman.

Kulanka dhax maray Madaxweyne Deni iyo wafdiga ka socday Finland ayaa looga hadlay sidii loo laba jibaari lahaa mashaariicda horumarin ee Finland ka wado Puntland gaar ahaan arrimaha ka hortagga nabaadguurka iyo ilaalinta deegaanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahadceliyay dowladad Finland taageerada ay u fidiso maamulkiisa, waxa uuna sheegay in maamul ahaan soo dhaweenayaan mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaanada maamulkooda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -