Aqalka cad oo laga helay maaddo sharci darro ah iyo Baaritaano socda

Maaddo is dhex yaac iyo in aqalka cad la faarujiyo horseedday axaddii ayaa la ogaaday in ay ahayd daroogada kookaynta.

Waxaa daroogada laga helay goob shaqo ka socotay ka tirsan qaybta dhismaha aqalka cad ee aadka loo ilaaliyo xilli lagu guda jiray baaritaanada joogtada ah, sida ay sheegeen ciidamada ilaalada madaxtooyadu.

Waxaa markii u horaysay arrinkan daabacay wargeyska washinton Post, taas oo hor seeday in ciidamada amaanka iyo dab damiska la hawl geliyo.

Madaxweyne Joe Biden iyo qoyskiisa ayaa aqalka cad ka maqnaa kuna sugnaa deegaanka Camp David goorta la helayey maadada.

Waxaa la xiray guud ahaanba aqalka cad si loo digtoonaado marakay saacaddu ahayd 20:45 xilliga maxalliga ah ee axaddii kadib markii ciidamada adeegga gaarka ah ay budadan cad ka heleen “goob shaqo ka socotay” oo qaybta galbeedka ah, sidaasi waxaa BBC u sheegayi afhayeenka ciidamada adeegga madaxtooyada Anthony Guglielmi.

Anthony Guglielmi ayaa sheegay in waaxda dab damiska si degdeg ah loogu yeeray lagana war helay in waxa la helay aysan “ahayn wax halis ah”.

Ma uusan xaqiijin natiijada baaritaanka hordhaca ah, isagoo sheegay in budada loo diray baaritaan dheeri ah, uuna ku socdo baaritaanno ay ka mid tahay sida waxani ku galay Aqalka Cad.

Warbaahinta La-hawlgasha BBC-da ee Mareykanka, CBS News, ayaa soo xigatay ilo sare oo sharci fulinta ah, iyadoo sheegtay in walaxda laga helay meel wax lagu kaydiyo oo ku dhex jirta armaajo ay sida caadiga ah u isticmaalaan shaqaalaha Aqalka Cad iyo martidu in ay gashadaan taleefoonnada gacanta.

CBS ayaa soo warisay in laba sarkaal oo sharci fulinta ka tirsan iyo cod laga duubay raadiyaha laga soo diray Axaddii ay xaqiijiyeen in maandooriyaha la ogaaday in uu yahay kookayn wax yar uun ka dib markii la helay.

Kookayn (Cocaine) waa daroogada nooca labaad ee hoos timaada Sharciga Walxaha La xakameeyo, taasoo la micno ah inay leedahay awood sare oo ah in si qaldan loo isticmaalo, sida uu qabo Maamulka Dhaqangelinta Maandooriyaha ee Mareykanka.

Qaybta galbeed waa qayb weyn oo heerar badan leh oo ka tirsan Aqalka Cad, taas oo ka kooban xafiisyada madaxweynaha Maraykanka, oo ay ku jiraan Xafiiska Oval Office iyo Qolka Xaalada degdegga ah.

Waxa kale oo ku yaal xafiisyada madaxweyne ku xigeenka, madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad, xoghayaha warfaafinta, iyo boqolaal kale oo shaqaale ah oo galaangal u leh aagga.

Source BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -