Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda ciidamada oo xukun adag maanta ku riday Eeney Ureyn Garaar Ooyow

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi daa’in ah ku riday nin dhallinyaro ah oo lagu helay in uu katirsan yahay kooxda Al Shabaab gaar ahaan qeybta qaraxyada.

Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) ayee ciidanka dowladda  ka soo qabtay Dagmada Afgooye 13-kii Bishii Juun ee Sanadkaan waxa uu kooxda Alshabaab u qabilsanaa Qeybta Qaraxyada.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan Al Shabaab ku biiray isaga oo yar, waxa uuna kagaba biiray Deeganka Ceel-Bashiir ee hoostagta Dagmada Buur-hakaba, Waxaana ku qanciyay ka mid ahaanshihiisa Horjoogihiisii.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay sidii uu u soo dhamaystiri lahaa hab raaca Muhiimka u ah horgaynta Maxkamadeed Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) 12-kii bishaan, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Qiraalka Eedeysanaha.

Abuukataha u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in ay Maxkamadda u fiiriso sifaha danbi fududeya Maadaama uu Eedesanaha Qiraal yahay.

Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan ku xukuntay Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) Xabsi Daa’in 21-kii Bishaan, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Cali Axmed Cali oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna xusay in xukunsanaha heesto fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Shiikh oo booqday dhaawacyada ciidanka Macawisley (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo kaabiga ku haya Degmada Wabxo (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Xaflad soo dhoweyn iyo Sagootin lagu kala maamuusay Wasiirka cusub iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda

admin
Taboola Ads ---