Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Cabdi Max’uud Cumar oo mar kale la soo taagay Maxkamad ku taalla Addis ababa

Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa mar kale manta ka soo muuqday maxkamad ku taalla Magaalada Addis Ababa.

Dhageysiga dacwadda Cabdi Max’uud Cumar ayaa horay dib loo dhigay muddo 14 cisho ah ka dib markii ay sidaasi codsadeen dacwad oogayaasha si ay soo ururiyaan cadeymaha kiiska.

Cabdi ayaa ku eedaysan inuu gaystay dil, xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed intii uu majaraha u hayey hogaanka dowlad degaanka.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga soo xirey guri ku yiilay magaalada Addis Ababa 27-dii bishii Augosto, kadib markii maalin ka hor baarlamaanka degaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas’uul oo kale.

Dhowaan ayuu Cabdi Max’uud Cumar ka codsaday raisul wasaaraha itoobiya in cafis loo fidiyo hase ahaatee dalabkiisa ayaa ku dhacay dhego aan wax maqlin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh & dhigiisa Masar oo wadajir u qabtay Shir jaraa’id (Sawirro)

Caydiid Ali

Hogaamiye xabsi dheer ah ku xukuman oo loo magacaabay Musharax Madaxweyne

Caydiid Ali

Waare & Wakiilada beesha caalamka oo ka wada hadlay afar qodob (Akhriso)

Caydiid Ali