Saciid Deni oo sheegay in lagu soo weeraray Xalane, shakina geliyey shirka beri

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ayaa sheegay in aanu war u heyn shirka berri ee la sheegay inuu ka furmayo teendhada Afisyooni ee ku taalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan halkaan nimid kaddib markii aan marti qaad ka helnay beesha caalamka gaar ahaan James Swan iyo Yamamoto oo aad baryahaan ugu howlana sidii dhinacayada la isugu keeni lahaa ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka mudadii aan joognay waxaan wadahal la yeelanay beesha caalamka iyo dad badan oo Soomaali ah oo ay ugu muhiimsan yihiin madaxdii hore oo hadda ku mideysan Midowga Murashaxiinta” ayuu yiri Deni

Waxaa uu intaas ku daray in Muddadii ay joogeen dhinaca Xukuumadda aysan jirin cid la hadashay ayna u muuqanaysay inaysan diyaar u ahayn imaansheheena.” ayuu yiri Saciid Deni oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

Deni ayaa dhinaca kale ku eedeeyey ciidamada DF iney xalay weerar ku soo qaadeen xerada Xalane, ayna khatar geliyeen amaanka isaga iyo madaxda kale ee halkaas degan.

“Maxaa shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleynaynay inay aamintahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febraayo weeray Madaxii hore ee dalka.” ayuu yiri Deni.

Labada madaxweyne ee maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku sugan Muqdisho, waxayna labadoodaba dhaliileen dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -