(Akhriso) Madaxweyne Xaaf oo Maamul cusub u magacaabay degmo ka tirsan G/gaduud

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo saaray wareegto uu Maamul Cusub ugu magacabay degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Xaaf ayaa Guddoomiyaha degmada Balanbale u magacaabey Jaamac Xeyle Maxamed oo horey u soo noqday Guddoomiyaha degmadaas, iyadoo ku-xigeenkiisana loo Magacaabay Cabdirisaaq Axmed Xalane sida ku xusan Wareegtada oo ku taariikheysneyd 15kii bishan Septembar.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Maamulkaan ay xilka sii heyn doonaan inta laga soo dhisayo Gole degaan oo dooran doona maamulka degmadaas.

Magacaabida xilkan cusub ayaa ku soo aaday xili xildhibaano ka tirsan Galmudug oo maalmo ka hor ku shiray magaalada Cadaado ay sheegeen iney xilkii ka qaadeen madaxweyne Xaaf, waxaan arimahan qeyb ka yihiin ka yihiin kala qeybsanaan xoog leh oo ka dhex aloosan madaxda maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -