Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii u dambeeyey Xiisad cusub oo ka taagan Laascaanod & Xoogaga SSC oo..

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa xoogagga degaanka ee SSC ayaa saaka ka taagan magaalada Laascaanod ee gobolka Sool

Goob joogayaal ku sugan agagaarka furumaha dagaalka ayaa sheegaya in xalay ilaa saaka la dareemayo xiisad dagaal, isla markaana dhinacyada ay mararka qaar ay isweydaarsanayaan hub culus iyo tacshiirad

Saraakiil ka tirsan ciidamada SSC ayaa sheegay inay la socdaan dhaqdhaqaqyo ciidan oo ay wadaan Ciidamada Somaliland.

Duleedka Magaalada Laascaanood waxaa gaaray saacado ka hor Gaadiid dagaalka iyo Ciidamo hab beeleed u abaabulan, kuwaasoo ka yimid dhinaca gobolka Sanaag, iyagoo taageeraya siinaya xoogagga SSC.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC ayaa dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ku dagaalamayay degaano hoostaga Magaalada Laascaanood.

Colaada labada dhinac ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday boqolaal qof, halka dad ku dhow 200 boqol oo kun ay ka barakaceen magaalada, kuwaasoo haatan Qaxooti ku ah degaanka Soomaalida Itoobiya iyo qeybo ka mid ah Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daa’uud C/rashiid Xuseen (Abdi Kaafi) oo la soo qabtay laguna soo bandhigay Baydhabo

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo Amar fulinteeda adag tahay kusoo rogtay shirkadaha Isgaarsiinta

Cabdi Cade

Guryo ay lahaayeen Muslimiin banaan baxyo ka dhigay dalka Hindiya oo la dumiyay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---