Daa’uud C/rashiid Xuseen (Abdi Kaafi) oo la soo qabtay laguna soo bandhigay Baydhabo

Taliska Qeybta 60aad ee oo Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey dagaalyahan ka tirsan Al-shabaab oo ay Gacanta ku soo dhigeen Ciidanka .

Daa’uud Cabdirashiid Xuseen (Abdi Kaafi) ayaa waxaa gacanta ku soo dhigey guutada 8aad ee Qeybta 60aad Xoogga dalka Soomaaliyeed, kadib Howlgalo Ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka wadeen Ciidanka tuulooyinka hoos yimaada Degaanka Deynuuney ee Gobolka Bay .

Abdikaafi ayaa sheegay inuu Al-shabab ku jirey labo sano uuna u qaabilsanaa Amniyaadka iyo Sahanka isagoo ka qeyb qaatey dagaalo dhowr ah oo ka dhacay degaanada Gobolka Mudug  halkaas oo Alshabaab uu uga biirey Markii hore.

Taliska Qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Daa’uud Cabdirashiid Xuseen (Abdi Kaafi) ay soo taagi doonaan Maxkamad, si looga abaal mariyo dembiyadii uu ka galay shacabka Soomaaliyeed sida ay sheegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -