Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

ATMIS oo soo gabagabeysay wejigii koowaad ee Dhimista Ciidamada (Sawirro)

Hawlgalka ATMIS ayaa soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee Dhimista ciidamada iyagoo maanta ciidamada amaanka  Soomaaliya ku wareejiyey saldhigyada Aljazeera-1 ee tababarada ee ku yaala Muqdisho iyo Saldhiga Gherille ee dowlad goboleedka Jubaland.

Saldhiga hore oo ay maamulijireen ciidamada Ugandha  ayaa waxaa ku wareejiyay Ciidamada Amaanka Soomaliya  taliyaha qeybta koowaad ee ATMIS Sar. G. Peter Omola.

Sidoo kale, saldhiga dambe Jubada hoose waxaa Ciidanka Amaanka Jubbaland ku wareejiyay Taliyaha Ciidamada Kenya ee saldhiga Gherille, Gash. Shitanda Terence Soita.

Tani waxay ka dhigeysaa tirada guud ee Saldhigyada lagu wareejiyay Ciidamada Amaanka Soomaaliya lix, halka xarunta Marka Ayuub la xiray.

ATMIS ayaa la filayaa inay la baxdo 2000 oo askari dhamaadka bishan June iyadoo la raacayo qaraarada Golaha Ammaanka ee 2628 iyo 2670.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Difaaca oo sheegay in Dilka Cabdulaahi Nadiir loogu aarayay Farxaan Qaroole iyo..

Cabdi Cade

Muwaadin Soomaali ah oo lagu wareejiyey Guri 28 sano xoog looga heystay (Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo) Madaale oo ka hadlay dibed-baxyadii maanta, digniin culusna soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---