Guryo ay lahaayeen Muslimiin banaan baxyo ka dhigay dalka Hindiya oo la dumiyay !

Dowladda Hindiya ayaa qaaday tallaabooyin dad badan ka careesiiyay, kaddib markii ay dumisay guryo ay lahaayeen dad muslimiin ah oo hormuud u ahaa banaan bax looga soo horjeeday aflagaado iyo xadgudub ay Nabi Maxamed (NNKH) u geesteen siyaasiyiin Hindi ah.

Guddoomiyaha gobolka Uttar Pradesh, Yogi Adityanath, ayaa amray in la dumiyo guryo ay leeyihiin shaqsiyaad muslimiin ah oo ka qeyb qaatay waxna ka abaabulay banaan bax looga soo horjeeday gefnii Nabaiga loo geestay.

Guryaha la dumiyey waxa ka mid ah guriga siyaasiga muslimka ah ee Javid Ahmed iyo guryo kale ay lahaayeen xubno banaan bax ka qeyb qaatay, waxaana tallaabadan dowladda Hindiya qaaday lagu tilmaamay mid naceyb hor leh abuuraya.

Ciidamada ammaanka dalka Hindiya ayaana dadkii ku sugnaa guryaha la dumiyay ka saaray kadibna katarabiil galiyay, waxa ayna dowladda tallaabadan ku dooneysaa in ay ku dhinto banaan baxyada ay Musliminta dhigayaan.

Dalka Hindiya iyo meelo badan oo caalamka katirsan waxaa ka dhacay banaan baxyo looga soo horjeeday aflagaado iyo xadgudub Nabbi Maxamaed (NNKH ) u geesteen xubno katirsan xisbiga talada Hindiya haya ee  BJP.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -