Dowlada Somalia oo Amar fulinteeda adag tahay kusoo rogtay shirkadaha Isgaarsiinta

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku amartay shirkadaha Isgaarsiinta ee dalka ka howlgala in ay isku furaan qadadka Telfoonadooda oo hada ah kuwa kala xiran oon is wici karin.

Shirkadaha telfoonada ee dalka ka jira ayaa hada qadadka telfoonadooda waxa ay yihiin kuwa aan is wici karin, waxaana qof kasta ku qasban yahay in dhor telfoon qaato ama simkaaryo kala duwan adeegsado.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan sidan oo kale usoo saartay amaro ku aadan in shirkadaha Isgaarsiinta isku furaan qadadkooda, hasa ahaatee amaradan ayaa noqday kuwa aan shaqeyn kuna ekaa afka baarkiisa oo kaliya.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay  Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

Iyada oo la dhaqan-gelinayo qodobka 49aad ee xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo iyo xeer-nidaamiyaha isku-xirka (interconnection regulation) ee faraya shirkadaha isgaarsiinta inay isku furaan khadadkooda (interconnection) maadaama ay tahay dan guud oo waajib ku ah dhammaan shirkadaha isgaarsiinta dalka ayaa waxaa shirkadaha haysta rukhsadda isgaarsiineed ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka la faray in ay billaabaan hannaankii ay isugu xirmi lahaayeen.

Muddadda wada-xaajoodka oo ka bilaabanaysa 10ka Abriil 2019, kuna eg 10-ka August 2019 ayaa waxa ay Shirkadaha ka wada-xaajoon doonaan arrimaha khuseeya isku-xirka sida dhaqaalaha iyo farsamada, sida ay dhigayaan qodobada 50, 51, 52, 53 ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo Xeer-nidaamiyaha isku-xirka ee dhowaan la anisixiyey.

Waxa aan rajeyneynaa in shirkaduhu tixgelin doonaan hadafka laga leeyahay arrintan oo ah dan guud sida uu dhigayo sharciga, kuna soo gabagabeyn doonaan wada-xaajoodkooda waqtiga loogu talo galay

Hadii ay dhaqan gasho tallaabadaan lagu amray shirkadaha Isgaasriinta ee ka howlgalla dalka ayaa waxaa ay Shacabka Soomaaliyeed u fududeyn kartaa in qof walba uu si fudud kana dhaqaala yar uu ku Waco taleefoonkii uu doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -