Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Iska horimaad khasaare nafeed geystay oo ka dhacay Muqdisho

Is-rasaaseyn khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac geysatay ayaa xalay ka dhacday xaafada Siisii oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Hellow Doctor.

Sida wararku sheegayaan is-rasaaseynta ayaa u dhaxeysay ciidamo ka tirsan Bolisiyo Milatari iyo ciidamo lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Labada ciidan ayaa is-rasaaseynta ka hor waxaa dhaxmaray muran, kaddib markii ciidamada ammaanka ee Muqdisho lagu wareejiyay qabteen daqiiqadana hayeen ciidamo ka tirsan kuwa tarabarka ku soo qaatay Eritrea, kuwaasoo markii la sii daayay weerar kedis ah ku qaaday ciidamo maqaayad ka casheynayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen meydka hal askari iyo dhaawaca labo kale, waxaana goobta soo gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa booliiska sida milatariga u tababaran oo xaalada qaboojiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Talyaaniga oo dalbaday in la cuno-qabateeyo France & khilaaf labada dal ka dhex curtay

Caydiid Ali

Tirada ciidamada Dowladda Somalia u direyso dalka Koonfurta Sudan oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Shirkad laga leeyahay Imaaraadka oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---