Shirkad laga leeyahay Imaaraadka oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Muqdisho

Shirkadda diyaaradaha caalamiga ah ee Flydubai oo xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in duulimaad toos oo maalinle ah ka bilaabeyso magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay maamulka shirkadda Flydubai ayaa lagu sheegay inay duullimaadka tooska ee Mogadishu-Dubai uu bilaaban doono bisha March 9-da, waxa ayna shirkadda cadeesay in adeegyadeeda laba laabmi doonto  bisha June 1-da ee isla sanadkan 2023-ka.

Hamad Obaidalla, oo katirsan masuuliyiinta shirkadda Flydubai ayaa sheegay in ay sii kordhinayaan fursadaha duulimaad ee ka sameenayaan geeska Afrika , waxa uuna xusay in bilaabi doonaan duulimaad toos ah oo isku xiraya Muqdisho iyo Dubai.

Shirkadda  Flydubai ayaa sheegtay marka ay bilowdo duullimaadyada Mogadishu inay ballaarin doonto Shabakadaheeda ee gudaha Qaarada Afrika ilaa 11 goobood, iyadoo rakaabka ka yimaada Imaaraadka iyo Gobalka siinayso Fursadaha ugu macquulsan ee Xulashada Duullimaadkooda, oo ay ku jiraan magaallooyinka Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeisa, Khartoum, Juba iyo Zanzibar

Flydubai ayaa duulimaadyada ay ku imaaneyso magaalada Muqdisho u adeegsan doonta diyaaradeeda Boeing 737 MAX Aircraft, waxa ayna shirkadu cadeesay in diyaar u tahay qancinta macaamiisheeda si ay u helaan duulimaad raaxo leh.

Soomaaliya waxaa ka howlgala shirkado diyaaradeed oo caalami ah sida Turkish Airways, Ethopia Airlines iyo kuwa kale, waxa ayna shirkadda Flydubai ku biireysaa shirkadaha caalamiga ah ee duulimaadka maalinlaha ku yimaada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -