Talyaaniga oo dalbaday in la cuno-qabateeyo France & khilaaf labada dal ka dhex curtay

Ku-xigeenka ra’iisal wasaaraha Talyaaniga ayaa ku eedeeyay Faransiiska inuu Afrika gumeysto uuna sabab u yahay qulqulka muhaajiriinta ku soo yaaceysa Yurub

Dowlada Faransiiska oo hadaladan aad uga carootay ayaa u yeertay safiirka Talyaaniga u fadhiya caasimadooda Paris.

Maalintii Axada, ra’iisal wasaare ku xigeenka Talyaaniga Luigi di Maio, ayaa ugu baaqay Midowga Yurub inay cunaqabteyno ku soo rogaan Faransiiska sababo la xiriira siyaasadooda Afrika.

Waxa uu sheegay in Faransiiska uusan abid joojin gumeysiga tobanaan dowladood oo Afrikan ah.

illaa iyo markii labada xisbi ee Five Star iyo League ay la wareegeen talada Talyaaniga bishii June 2018 xiriirka labada waddan ayaa sii xumaanayay.

Xiisadda ka dhex aloosan labada dal ayaa salka ku heysa qulqulka muhaajiriinta ee gaaraya Talyaaniga.

Faransiiska ayaa dib ugu celiyay muhaajiriin badan xadka waqooyi ee Talyaaniga waxaanaa la rumeysan yahay in khilaafka labada dal uu halkaas ka soo bilowday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -