Tirada ciidamada Dowladda Somalia u direyso dalka Koonfurta Sudan oo la shaaciyey

Tirada ciidamada Dowladda Soomaaliya u direyso dalka Koonfurta Suudaan, ayaa la shaaciyey kuwaasoo qeyb ka noqon doona ciidamada dalalka IGAD ee la geynayo dalkaasi.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ciidamadaasi ku yeelan doono min 99 askari oo dal waliba qeyb ahaan ug biirinayo ciidamada loo bixiyey (Regional Protection Force), hal dalalka Suudaan iyo Uganda ay dalkaasi u dirayaan ciidamo gaaraya min 499 askari sida laga soo xigtay saraakiil Soomaali ah iyo xubno ka tirsan IGAD.

Ciidamada IGAD ayaa la shaqeyn doona ciidamada dalka South Sudan ku sugan ee Q/Midoobay oo loo yaqaan UNMIS oo difaacaya dadka shacabka ah iyo madaxda, waxaana goā€™aanka ciidamadaasi loogu dirayo qaatay madaxda IGAD.

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalalka IGAD ee ciidamada nabad ilaalinta u diraya dalalka Koonfurta Suudaan, waxayna direysaa 99 askari, kadib heshiis ay IGAD kasoo shaqeysay oo dhowaan lagu saxiixay magaalada Addis ababa.

Shir Madaxeedkii Goboleedka IGAD ee Addis ababa lagu qabtay bartimihii bishii September ayaa lagu goā€™aamiyey inay IGAD kala shaqeyso Golaha ammaanka xaqiijinta in ciidamo goboleedka difaaca ee Regional Protection Force (RPF).

Somalia oo ay joogaan ku dhowaad 20 kun oo askari oo ka socda dalalka afrika ayaa markeeda ciidan nabad ilaalin ah u direysa dal kale oo xasarado ay ka aloosan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -