Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Muqdisho oo gacanta ku dhigay nin watay waxyaabaha maanka dooriya

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir gaar ahaan qeybta galbeed ayaa howlgal ay fuliyeen waxa ay kusoo qabteen nin watay waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaan calaq.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninka ay qabteen uu watay jiirigaan ay ku jireen calaq uu doonayay in uu sii iibiyo.

Booliiska ayaa sheegay in ninkan lagu qabtay waxyaabaha maanka dooriya hadda ku socdaan baaritaan, waxa ayna xuseen in ninkan la horgeyn doono caddaaladda.

Ciidamada dowladda ayaa magaalada Muqdisho kawada howlgalo ay kula dagaalamayaan maan-dooriyaha nuucyadiisa kala duwan iyo kooxaha ka ganacsada.

Related posts

Dowlad ka tirsan Yurub oo shaacisay iney xireyso todoba Masaajid iyo caro ka dhalatay

Caydiid Ali

(Akhriso) Turkey oo taageero u muujisey Soomaaliya ka dib weerarkii xerada Gen. Gordan

Caydiid Ali

(Sawirro) Hirshabelle & dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis xasaasi ah kala saxiixday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---