Allbanaadir.com
NEWS

Qaraxyo xoogan oo goordhaw ka dhacay Xeebta Liido iyo Rasaas la maqlayo

War goordhaw kusoo dhacay warqabadka Shabakadda Allbanaadir ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan ay ka dhaceen maqaayad weyn oo kutaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Rag waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa wararku sheegayaan in ay isku qarxiyeen afaafka hore ee maqaayada Bearl Beach, waxaana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarka lagu qaaday maqaayada Liido kutaalla.

Rasaas ayaa sidoo kale laga maqlayaa goobta qaraxa lagu weeraray ee kutaalla xeebta Liido,l wararka soo baxaya ayaana sheegaya in rag hubeesan ka dhax dagaalamayaan goobta la weeraray.

Ciidamo badan oo isugu jira booliis iyo nabad sugida ayaa gaaray goobta la weeraray, waxaa sidoo kale goobtaasi gaaray gaadiidka gurmadka deg dega.

 

Related posts

Xildhibaan Warsame Joodax oo Hadal heyn badan ka abuuray Warbaahinta iyo Baraha bulshada

Cabdi Cade

Booliska Jubbaland oo duleedka Kismaayo ka fuliyey howlgal lagu soo qabtay.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu C/wali Muudey ka yiri safarka laga celiyey ee Baraawe & talaabada uu qaadayo?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---