Dowlad ka tirsan Yurub oo shaacisay iney xireyso todoba Masaajid iyo caro ka dhalatay

Faransiiska ayaa sheegay inuu xireyo toddoba Masaajid iyo ururo ay leeyihiin Muslimiinta dalkaas ku nool dabayaaqada sannadkan 2021-ka.

Qoraal ay soo saartay dowlada ayay ku sabababeysay go’aankeeda xagjirnimo ka jirta goobahaasi ay xireyso iyo in lagu marin habaabiyo dhalinyarada.

Ururada Muslimiinta Faransiiska ayaa beeniyey hadalka dowlada, iyagoo ku macneeyey inay qeyb ka tahay ololaha Islaam nacaybka ah ee ay wado dowladda Madaxweyne Macron.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmian ayaa sheegay in Masaajid ku yaalla magaalada Allones ee Waqooyiga Galbeed ee Faransiiska lix biloood la xiray iyada oo lagu saleeyey u nuglaanta xagjirnimada.

Waxaa kale oo ay dowladu la wareegtay kootadii bankiga ee Masaajidkaas, waxaana talaabooyinkan ay yimaadeen xili sanadihii la soo dhaafay ay dalkaas ka dhaceen weeraro dad badan lagu laayey oo ay sheegteen kooxo Islaami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -