Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Turkey oo taageero u muujisey Soomaaliya ka dib weerarkii xerada Gen. Gordan

Dowladda Türkiye ayaa si kulul u cambaareysay falkii Argagixiso ee shalay lagu beegsaday xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho kaasoo lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Imaaraadka, Baxreyn iyo kuwa xoogga dalka.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Türkiye ayaa lagu yiri: “Waxaan aad uga xunnahay khasaaraha ka dhashay falkii argagixiso ee shalay (February 10) ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo soo gaaray ciidamada Milateriga ee ku howlanaa sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen amniga Soomaaliya”.

Dowladda Türkiye ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay weerarka, iyo shucuubta dalalka Soomaaliya, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn.

Dowladda Türkiye ayaa war saxaafadeedka ay soo saartay ku xaqiijisay in shacab & dowladba ay garab taagan yihiin Soomaaliya ayna sii wadi doonaan taageerada amniga, xasiloonida iyo barwaaqada dalka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA ARRIMAHA DIBEDA TURKIYE OO ENGLISH.

Related posts

Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray Mashaariic Boosaaso laga hirgaliyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maraykanka oo duqeyn ku dilay hogaamiye ka tirsanaa Al-Shabaab & xaaskiisa (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo la Dar daarmay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Jubbaland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---