(Sawirro) Hirshabelle & dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis xasaasi ah kala saxiixday

Waxaa galabta la soo gabo-gabeeyay shir muddo laba maalin ah degmada Feer-feer ee xadka ku taalla uga socday wafti uu horkacayay hoggaanka Nabadgalyada Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo wafti uu hoggaaminayay Madaxweyne kuxigeenka Hir-shabeelle Soomaaliya Yuusuf Dabageed.

Kulanka labada dhinac ka dhaxeeyay ayaa lagaga hadlayay arrimo ay ka mid ahaayeen ka-shaqaynta amniga labada dhinac iyo xoojinta xiriirka labada degaan iyo dar-dar-galinta iskaashiga dhinaca horumarka labada dhinac.

Hoggaanka Nabadgalyada DDS iyo Madaxweyne kuxigeenka Hir-shabeelle oo gabo-gabada kulankaa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen ka-shaqaynta amniga labada dhinac sida; in la iska kaashado la dagaallanka argagagixisada.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in lagu heshiiyay muran ka taagnaa dhul-beereed ku yaala tuulooyinka Abaareey iyo Dareerto oo gacan-ka-hadal dhimasho sababay keenay kaasoo ay  isku haysteen laba beelood oo deegaanka wada dega, waxaana lagu heshiiyay in ciidamada  ka socda labada dhinac ilaalinta dhulkaa la wareegaan inta xal buuxa labada dhinac ka gaadhayaan.

Hoggaanka Nabadgalyada DDS iyo Madaxweyne kuxigeenka Hir-shabeelle ayaa labaduba waxa ay saaka booqasho ku tageen dhul-beereedkaa la isku haystay waxa ayna indho-indhayn ku sameeyeen dhul-beereedkaa.

Dowladda deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale maamulka Hir-shabeelle ugu deeqday 30 arday oo deeq waxbarasho ah, waxa ayna noqonaysaa markii labaad ee dowladda deegaanka Soomaalida deeq waxbarasho ugu deeqdo maamullada xudduuda la wadaago, iyadoo horey 30 arday deeq waxbarasho u siisay Maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -