Duqa Muqdisho oo sheegay in awood loo adeegsan doono soo celinta Jardiinooyinka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa sheegay inay wadaan dadaaladii ugu dambeeyay ee gacanta dowladda loogu soo celin lahaa Jardiinooyinka iyo goobaha danta guud ee caasimada.

Eng Yariisow ayaa 3-dii July ee sanadkan ayaa soo saaray go’aan in lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka, kaasoo ku ekaa bilawgii bishii August ee sanadkan, balse weli ma dhaqan gelin.

Wuxuu sheegay qofkasta oo Soomaaliyeed oo heysta dhul dan guud ah in looga baahan yahay inuu si nabad ah ku soo celiyo, hadii kale qofkaasi uu wajihi dooni in si xoog ah looga soo celinayo.

Eng. Yariisow ayaa qiray inay dhammaatay waqtii ay u qabteen ganacsatada, keliyana ay sugayaan goobahaas sidii gacanta loogu soo celin lahaa, dadka heysta goobaha danta guud ayuu ugu baaqay inay dowladda ku soo wareejiyaan.

“Waxaan wadnaa sidii goobaha danta guud dowladda loogu soo celin lahaa, qof kasta waxaa laga rabaa inuu si nabad ah ku celiyo danta guud ee uu heysto, hadii kale waxaa imaaneysa in si xooga ah looga soo celiyo, arrintaasi waqtigii aan u qabanay way dhamaatay, waadna arki doontaan dadka diidan in si xoog ah looga qaadi doono”. ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -