Allbanaadir.com
NEWS

Raaf ka dhan ah ajaaniibta oo saakay ka bilowday magaalada Garowe

Magaalada Gorowe ee caasimadda maamulka Puntland, saakay oo Isniin ah waxaa ka socda howlgalka ciidamada booliiska ku raafayaan kuna xir xirayaan dadka ajaaniibta ah ee magaaladaasi ku jooga sifaha sharcirada ah.

Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Garowe, ayaana wada howlgalka lagu raafayo dadka ajaaniibta ah ee sharcidarada ku jooga magaalada, kaddib amarkii kasoo baxay Wasaaradaha Arrmaha Gudaha iyo Amniga ee maamulka Puntland.

Ajaaniibta sharcidarada ku jooga magaalada Garowe oo helay xogta howlgalka saakay bilowday , ayaa badankood kasoo bixin guryaha iyo goobaha kale ay degan yihiin, waxa ayna ka cabsi qabaan in la raafo ama xabsi la dhigo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Puntland , ayaa qoraal kasoo baxay waxaa lagu sheegay in laga bilaabo 25 Janaayo 2025 aysan degaannada Puntland joogin karin ajaanib sharci la’aan ah, islamarkaana aan guri laga kirayn karin wax shaqo ahna la siin karin.

Raafka ajaaniibta kunool magaalada Garowe, ayaa yimid kaddib markii magaalada Boosaaso dhowr habeen kahor lagu dilay nin ajnabi ah oo katirsanaa kooxda Daacish, kaa oo xilliga la dilayay miino ku aasayay waddo magaalada kutaalla, waxa uuna falkaasi sidoo kale keenay in Boosaaso laga raafo ajanaiibta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Axmed Madoobe oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Muqdisho?

Caydiid Ali

Qoorqoor oo soo saaray liiska Musharaxiinta ka harsan Aqalka sare iyo Cabdi qeybdiid oo..

Caydiid Ali

RW Xamse oo ka qeyb galay Xus weyn oo lagu qabtay Safaarada Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---