Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo markii ugu horeysay marti gelineysa Shirka Wasiirada A/dibeda Jaamacada Carabta

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegeysa Shir guddoonka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Ururka Jaamacadda Carabta, taasoo ah horumar laga sameeyay dhinaca diblomaasiyadda.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay in Soomaaliya la wareegi doonto shir guddoonka Wasiirada Arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta kulankiisa 151-aad, taasoo dhabaha u xaareysa in shirka Wasiirada Jaamacadda Carabta horaanta sanadka soo socda 2019 uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

“Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeysaa shirguddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta, kulankiisa 151,aad . Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay soo celinaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd dunida si shirarka iyo shir madaxeedyada loogu qabto Caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay in muddo ah oo Soomaaliya ay noqoto shir guddoomiyaha Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo shaacisay Khasaaraha AMISOM kasoo gaaray qarax ay la beegsadeen

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo Indhihiisa kusoo arkay Dhibaato ka taagan Mahaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal saaka ka dhacay duleedka degmada Balcad iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---