Harriett Baldwin oo gaartay Hargeysa lana kulantay Muuse Biixi (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Waxa Uu kulan kulan La Qaatay wefti Ballaadhan oo ka socda dalka Ingiriiska oo ay Hoggaaminayso wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, ahna madaxa hayā€™adda horumarinta caalamiga ah ee DFID. Harriett Baldwin.
Waxaana Kulankan Diirada Lagu Saaray Arimo Door Ah Oo Salka Ku Haya Dhinacyada Harumarka Iyo Iskaashiga Xaga AmnigaĀ  iyo arimo kale.
Markii Uu Kulankaasi Soo Idlaaday Ayaa Waxa Warbaahinta Uga Xogwaramay Ujeedada Kulankan Iyo Waxyaabaha Lagu Lafaguray Wasiirka Arimaha Dibada S,land Dr Sacad Cali Shire.
Waxana isaga Oo Arrimahaas Ka Hadlaya Uu Yidhi, ā€œMadaxweynaha iyo weftigu waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid tahay iskaashiga labada dal ee dhinacyada iskaashiga, horumarka, nabadgelyada, kaabayaasha, doorashooyinka ingiriiskuna waa dawladda inoogu deeqda badan, aad iyo aadna waannu uga mahadcelinayey deeqdaas uu Ingiriisku ina siiyo, waxaana aannu isla meel-dhignay inaynnu is-kaashigeennaa iyo wax wada-qabsigeennaas aynnu halkaas kasii wadno.ā€
Wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska U Qaabilsan Qaaradda Afrika, Mis, Harriett Baldwin Oo Iyaduna Dhinaceeda Ka Xog Warrantay Kulanka Weftiga Ay Hoggaaminaysaa la Qaateen madaxweynaha Somaliland, ayaa ammaantay horumarka dhinacyada badan leh ee ay Somaliland ku tallaabsatay, waxana ay shaacisay dhaqaale horleh oo ay dawladdeedu ugu deeqayso wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland, waxana ay tidhi,
ā€œAad baan ugu faraxsanahay inaan imaaddo caasimadda Hargeysa oo aan arko mid kamid ah dalalka Afrika ee xidhiidha qotoda dheer la leh dalkayga, maantana waxa aan indhahayga kusoo arkay qaar kamid ah mashaariicda uu dalkaygu maalgeliyo ee loogu talo galay dadka reer Somaliland. Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development fund) waxa uu gacan siinayaa mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa, waxana aan aad ugu faraxsanahay inaan maanta halkan kaga dhawaaqo bilowga wejiga labaad ee mashruuca horumarinta Somaliland oo aannu ugu deeqaynno 25-Milyan oo bound oo wax lagaga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka Somaliland.ā€
W/Q Maxamed Cali

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Hargeysa- Somaliland

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -