Allbanaadir.com
NEWS

Xukun dil ah oo saakay lagu fuliyay Aadam Cali Cabdi iyo Maxamed Geedow

Maxkamadda ciidamada qeybta maamulka Koonfur Galbeed ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay labo nin oo lagu helay in ay dilal geestay, kuwaa oo horey maxkamadda ciidamada xukun dil ah ugu riday.

Fagaare kuyaalla magaalada Baydhabo ayaana saakay lagu toogtay Aadam Cali Cabdi oo horey u dilay Marxuum Macalin Daahir Cabdullahi Mukhtar iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Isna dilay Marxuum Jamaal Abdikariin Maadey.

Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa goobjoog ka ahaa fagaaraha xukunka dilka ka dhacayay, waxaa sidoo kale goobtajoogay ehelada dadkii ay dileen ragan saakay la toogtay.

Magaalada Baydhabo ayaa marar badan lagu toogtay askar iyo dad kale oo lagu helay in ay dilal geesteen, waxaana wali xabsiyada magaaladaasi ku jira maxaabiis kale oo ku xukuman xukunno dil ah.

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo loogu deeqay dhaqaale gaaraya $100 Milyan oo dollar

Caydiid Ali

Wasiir faahfaahin ka bixiyey Madaafiic ku dhacday Madaxtooyada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Taliye Ciidan oo Al Shabaab dileen oo loogu magac-daray Iskuul weyn (Wareegto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---