Allbanaadir.com
NEWS

Askar reer Israel ah oo ku hoobtay qarax ka dhacay Gaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in askar Israa’iiliyiin ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen qarax  ka dhacay dhismo ay ku sugnaayeen gudaha magaalada Rafax ee koonfurta Qaza.

Xarrumaha wararka ee  Israa’iil ayaa sheegaya  dhimashada  hal  askari halka kuwo kalena ay wali ku hoos jiraan burburka dhismaha kadib qaraxaasi, waxayna intaas ku dareen in ciidamada cirka Israa’iil ay direen diyaarado qumaatiga u kaca si ay uga soo  daadgureeyaan  askarta dhaawaca ah koonfurta Qaza una geeyaan isbitaalka Barzilai ee magaalada Asqalaan.

Sida ay sheegayaan isla ilo-wareedyadaasi, qaraxa ayaa lala beegsaday unug ka tirsan cutubka “Golani Brigade”, taasoo sababtay inuu burburo dhismuhu.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay jiraan dhimasho iyo dhaawacyo badan, iyo sidoo kale dad wali ku xayiran burburka dhismaha hoostiisa

Dhinaca kale, Shirkadda diyaaradaha ee Imaaraadka “Etihad” ayaa go’aansatay inay kordhiso tirada duulimaadyadeeda ay ku aadayso  garoonka diyaaradaha “Ben Gurion” boqolkiiba 40% laga bilaabo  bisha Diseembar ee soo socota .

Tirada duulimaadyada ayaa laga kordhin doonaa 20  jeer todobaadkii waqtigan xaadirka ah  ilaa 28 jeer ilaa  dhammaadka sanadka.

Go’aanka ayaa yimid xilli ay shirkado diyaaradeed oo caalami ah go’aansadeen inay joojiyaan duulimaadyadooda garoonka kadib weerarkii uga yimid Yemen”.

 

Related posts

Deni & Axmed Madoobe oo Muqdisho imanaya iyo shirkii wadatashiga oo furmaya

Caydiid Ali

Sii hayaha RW oo amar culus siiyey laamaha amaanka ka dib weerarkii Hotel Elite

Caydiid Ali

Amar ka soo baxay taliska Booliska Puntland oo ka dhaqan galay Magaalada Garoowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---