Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo xiriirka u jaray Netanyahu

Madaxweyne Trump, ayaa lagu warramayaa inuu xiriirka u jaray RW Israel Netanyahu , taasoo lagu wargeliyay saraakiisha Israa’iil, sida ay Al Jazeera ka soo xigatay raadiyaha ciidanka Israa’iil.

Isbeddelka laga arkay dhinaca Trump , waxaa qeyb ka ah Trump  wax wargelin  la xiriira socdaalkiisa bariga dhexe inuusan la wadaagin Netanyahu, waxaa kaloo uu meesha ka saaray dadaalladii uu ku doonayay inuu ku cadaadiyo Sacuudiga si ay u helaan warshadaha tamarta nukliyeerka inay xiriir diblomaasiyadeed la yeeshaan Israa’iil.

inta uu ku sugan yahay Riyadh ayaa la sheegay Trump inuu dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga la gaari doono heshiis difaac oo aan shuruud lahayn oo ay ku jirto wareejinta gantaallada riddada dheer iyo diyaaradaha jiilka shanaad ee F-35 oo Sacuudiga uu markii u horreysay ka heli karo Mareykanka, mana uusan dooneyn Netanyahu in heshiis nooca ay uu Mareykanka la gaaro Sacuudiga.

Warkan wuxuu soo baxay xilli toddobaadkii hore la xaqiijiyay Trump ,inuu xorriyad u siiyay Netanyahu kaligii inuu go’aan ka gaaro mustaqbalka Qasa,  tan oo shaki gelinaysa xiriirka la sheegay Trump inuu u jaray Netanyahu in looga danleeyahay hoggaamiyayaasha khaliijka ee uu la kulmayo Trump inaysan kala hadlin wax la xiriira xaaladda Qasa ama aysan shuruud ku xirin heshiisyada ugu sarreeyay taariikhda oo la filayo inuu Trump la gaaro hoggaamiyayaasha Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka ee uu la kulmayo.

 

Related posts

Afar qof oo Isku Qoys ah oo ku dhintay Biyo xireen ay Sawir isaga qaadayeen

Cabdi Cade

Dowlada oo shaacisay khasaaraha dhimasho iyo mid dhaawac ee ka dhashay qaraxii Sayidka

Cabdi Cade

(Sawirro) Villa Somalia oo War ka soo saartay kulanka Farmaajo iyo Madaxda D/goboleedyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---