Wasiir faahfaahin ka bixiyey Madaafiic ku dhacday Madaxtooyada (Daawo Sawirro)

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa faahfaahin ka bixiyey madaafiic ku soo dhacday Xarunta Wasaaradda oo kaabiga ku heysa Villa Somalia.

Maareeye ayaa sheegay in madfac hoobiye ah oo ku soo dhacay mid ka mid ah xafiisyada Wasaaradda uu geystay burbur kooban, wuxuuna tilmaamay inuusan jirin wax khasaare nafeed ah oo uu geystay.

“Argagixisadu ma joojin karaan rajada aynu ka qabno inaynu helno Nabad iyo Nolol fiican, waxay doonayaan inay rajo beel inaga dhigaan oo hakiyaan horumarka, ganacsiga, Maalgashiga iyo yididiilada jirta” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Illaa shan hoobiye ayaa maanta lagu weeraray gudaha iyo hareeraha Xarunta Madaxtooyada, waxaana labo ka mid ah ay ku kala dhaceen Xarunta Villa Hargeysa ee Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka iyo xarunta Wasaarada ganacsiga Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -