Ciidamada RSF oo geestay tacadiyo haweenka ka dhan ah iyo Mareykanka oo ka hadlay

Ciidamada gurmadka deg dega RSF ee dagaalka kula jira milatariga Sudan ayaa lagu eedeeyay in ay kufsi iyo tacadiyo kale u geesteen tiro haween ah oo ku sugnaa goobaha ay kooxdaasi ka dagaalamayaan.

Warbixin ay soo saartay hay’adda lagu magacaabo Xaadiriin oo ka howlgasha gudaha Sudan ayaa sheegtay in ay diiwaan-geliyeen ilaa toban kiis oo kufsi ah ,kuwaa oo ay hay’addu sheegtay in ay geesteen ciidamo katirsan RSF.

Nazim Siraaj oo ah madaxa hay’adda Xaadiriin ayaa sheegay in dhaqaatiirta cadeeyeen in la kufsaday dhowr haween ah oo cabasho soo gudbiyay , sidoo kale booliiska diiwaan-geliyeen xogta dhibanayaasha.

Dhinaca kale kooxda Qareennada deg dega ee dalka Sudan ayaa sheegay in koox hubeysan oo ku sugan goobaha ay ciiddanka RSF maamulaan ay galeen kufsi  ka dhan ah 2 haween oo ku sugnaa qeybta jiifka haweenka ee Jaamacadda Al Ahfad ee magaallada Umdurman.

Safiirka dowladda Maraykanka u jooga dalka Sudan, John Godfrey ayaa ku eedeeyey kooxaha hubeysan ee dalka Sudan inay geysteen tacadiyo ka dhan ah bini’aadanimada ay ku jiraan kufsi hubeysan.

Waxa uu sheegay in ay soo gaareen warbixino argagax leh oo ku aadan tacadiyo xanuun badan ay geesteen kooxaha hubeesan ee dagaallamaya, waxa uuna xusay in si dhaw ula socdaan tacadiyadaasi dhacaya lagulana xisaabtami doono kuwa geesanaya.

Dagaalka ka socda dalka Sudan ayaa dhaliyay khasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah, waxaana goobaha qaar ay dagaalladu ka socdaan laga soo sheegayaa tacadiyo ay geesanayaan ciidamada dagaallamaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -