Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Ciidan oo Al Shabaab dileen oo loogu magac-daray Iskuul weyn (Wareegto)

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee degmada Xarardheere ugu magac dartay Shahiid Abdi Mohamed Sheekh Hassan (SuulNuug), kaddib soo jeedin ka timid Madaxweynaha  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Taliyahan dugsiga kuyaalla degmada Xarardheere loogu magac-daray ayaa dhawwaan lagu dilay dagaal ka dhacay Koonur gobolka Mudug, kaddib dagaal xooggan oo dhax maray kooxda Al Shabaab iyo ciidamada kumaanooska Gorgor.

Suulnuuge ayaa kamid ahaa saraakiishii hoggaamineysay howlgalkii Al Shabaab looga saaray degmada Xarardheere sannad kohor, waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa howlgalo badan oo kooxdaasi lagu jabiyay oo ka dhacay deegaannada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shan ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Puntland (PMPF) oo qarax lagu dilay (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka Ahlu sunna oo dib ula wareegay degmada Guriceel & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Dal deris la’ah Somalia oo qoranaya 100 kun shaqaale Caafimaad iyo 4000 kun oo dhaqtar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---