Dowladda Soomaaliya oo loogu deeqay dhaqaale gaaraya $100 Milyan oo dollar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson.

Xassan Shiikh ayaa kala hadlay xoojinta wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marwo Kristina Svensson ayaa tilmaantay in Bangiga Adduunka uu dowladda Soomaaliya ku taageerayo 100 malyan oo doolar 12-ka bilood ee soo socda, si wax looga qabto qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda, iyadoo ku ammaantay Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad u siineyso kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Waxaa uu Bangiga Adduunka ugu baaqay inuu kala shaqeynayo Dowladda casriyeynta hannaanka shaqada iyo adeegyada dowladda Federaalka.

- Advertisement -