Allbanaadir.com
NEWS

Qatar oo qoraneysa kumanaan shaqaale Soomaali ah

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo abuurka dalka dibadiisa.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Aadan oo ku sugan magaalada Doha ee dalka Qadar ayaa kulumo miro dhal ah la-qaatay madaxda Dowladda Qadar gaar ahaan madaxda Wasaaradda Shaqada ee dalkaas.

Dhinaca kale guddiga Farsamada ee iskaashiga Shaqada ee Qatar iyo Soomaaliya ayaa ku kulmay magaalada Doha, si ay uga wada hadlaan nidaamka shaqaalaysiinta iyo hirgelinta heshiiska shaqada oo ay labada dal kala saxiixeen.

Heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Qatar waa mashruuc lagu shaqaaleysiinayo in ka badan 10-kun oo dhallinyaro ah Soomaaliyeed, kuwaasi oo iskugu jira xirfadlayaal kala duwan.

Related posts

Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo ka socota Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Guddiga doorashada Jubbaland oo diiwaangeliyay Musharaxiin kuraas loo xiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Shirkada Blue Sky Energy oo Adeeg koronto oo Casri ah kusoo kordhisay Muqdisho

admin
Taboola Ads ---