Kumanaan qof oo ka qaxay gobolka Alberta & xaalad deg deg ah la soo rogay (Sawirro)

Gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa looga dhawaaqay xaalada degdeg ah kaddib markii dab ka soo billowday keymaha uu ku fiday gobolkaas.

Dabkan ayaa sababay in ku dhowaad 25,000 kun oo qof ay ka qaxaan guryahooda.

Gobolkan oo hore ay u soo martay ilaa 100 dhacdo oo dab ka kacay, ayaa Raisal Wasaaraha Alberta Danielle Smith waxay xaaladda ku tilmaantay mid “aan hore loo arag”.

Edson, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 8,000 oo qof, ayaa waxaa dadka loo sheegay inay degdeg uga baxaan.

Waxay  sheegtay in jiilaal kuleyl iyo qalleyl wata uu abuuray xaaladdan, iyadoo ilaa 122,000 hiktar oo dhul ah ay gubteen.

Dab kale oo kacay oo aan la xakameyn karin ayaa waxaa sii hurinaya dabeylo xooggan. Meelaha ugu daran ee dabku saameeyay waxaa ka mid ah Drayton Valley, oo ilaa 140km (87 meyl) galbeed uga began caaismadda gobolka ee Edmonton, iyo Fox Lake, oo ilaa 550km waqooyi uga began magaalada.

Gobolka Alberta waa gobol soo saara shidaalka, balse arrintan ma aha waxa sababay xaaladdan khatarta ah sida maamulku sheegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -