(Sawirro) Kulan looga hadlay wacyigelinta Kansarka Naasaha oo lagu qabtay Isbitaalka Dalmar

Kulan wacyigelin ah oo looga hadlayey halista iyo ka hortaga Kansarka ku dhaca Naasaha ayaa lagu qabtay Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar (Dalmar Specialist & teaching Hospital) ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa kulankan ka qeyb galay dhaqaatiirta Isbitaalka Dalmar qaarkood, howlwadeeno ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, qaar ka mid ah ardayda Jaamacadaha dalka iyo marti sharaf kale.

Madaxa qeybta cudurada haweenka ee Isbitaalka Dalmar Drs. Maryan Axmed Xassan oo munaasabadan ka hadashay ayaa sharaxaad ka bixisay haliska kansarka Naasaha iyo baahida loo qabo in lagu baraarugo.

“Kansarka haweenka haleela waxaa ugu badan kansarka ku dhaca Naasaha, waxaa kaalinta labaad ku jira kansarka ku dhaca minka, kan Saddexaad waa kansarka ku dhaca Mindhicirada iyo noocyo kale oo kansarka mid ah” ayey tiri Dr. Maryan Axmed Xassan.

Waxay intaas ku dartay in cudurka Kansarka uu sanadahan dambe ku soo badanayo dalka, iyadoo xustay in sanadkii hore Somalia laga diiwaan geliyey 10.134 qof oo laga helay noocyada kala duwan ee kansarka, ayna u dhinteen 7.439 qof oo ka mid ah dadkaas.

Madaxa qeybta cudurada Guud ee Isbitaalka Dalmar Dr. Abdifatah Abdullahi Jama ayaa isna sheegay in bishan Oktoobar ay tahay bil sanad walba loo asteeyey caalamka oo dhan wacyigelinta kansarka Naasaha, sidaas awgeedna Isbitaalka Dalmar uu kaalintiisa ka qaadanayo sidii uu bulshada Soomaaliyeed uga wacyi gelin lahaa cudurkan halista

“Bishan waxaa loogu talagalay wacyigelinta burooyinka aa Kansarka naasaha oo dhbaato xooggan ku haya dunida, kaasoo saameeya dumarka iyo ragga labadaba, anagoo taas ka duulayna Waxaa Isbitaalka Dalmar baaritaanka burooyinka naasaha  uu ka dhigay bilaash ah illaa 31ka bishan Oktoobar” ayuu yiri Abdullahi Jama oo bulshada ugu baaqay iney ka faaideystaan fursadaas qaaliga ah.

Dr. Majid oo ka mid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Dalmar ayaa isna kulankaas ka jeediyey cashar ku saabsan halista kansarka ku dhaca naasaha ragga, waxyaabaha keena, calaamadaha lagu garto iyo sida ugu haboon ee wax looga qaban karo.

Dr. Ahmed Abdirisak oo isna ka mid ah takhaatiirta Isbitaalka Dalmar ayaa sheegay in Cancerka naasaha uu ku dhici karo ragga, inkastoo ay tahay tiro xaddidan, marka loo eego haweenka, wuxuuna xusay in loo baahan yahay feejignaan.

Qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay kulankan oo Munaasabada ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalka Dalmar sida uu had iyo jeer isaga xilsaaro ka wacyigelinta bulshada cudurada halista ah, waxayna intaas ku dareen iney wax badan ka faaiideen barnaamijkan wacyi gelinta ah ee looga hadlay kansarka naasaha, ayna la wadaagi doonaan bulshada aan nasiibka u helin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -