Cali Jeyte oo xanibaad ku soo rogay goobo ay joogaan kooxda Al-Shabaab

Maamulka gobol Hiiraan ayaa xanibaad ku soo rogay goobo ay joogaan kooxda Al-Shabaab kuwaasoo ku yaalla jiinka webiga

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cali Jeeyte Cismaan oo si buuxdo ugu digay gadiidka iskaga Kala goosho Beledweyne ilaa Buulo-burde ee marayo hareeraha jiinka wabiga ee Saadka  u geeya Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in hadda wixii ka dambeeyo lala wareegi doono iyadoo saraakisha Ciidamada Qalabka Sida iyo saraakisha Ciidamada dib u xoreynta Degaanada gobolka Hiiraan amaro buuxo loo siiyey iney gaadiidka dagaalka Shabaab kula jiro gaadiid aan aheyn uusan mari karin goobahaas.

“Maanta kaddib lama la arki karo gaari ka baxaya Baledweyne ama Buulaburte oo raashiin ama shidaal sida oo u safraya deegaanada ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya Baledweyne iyo Buulaburte, gaarigii lagu arko ama la qabto isagoo deegaanadaas u raran in si buuxda ay ula wareegi doonaan gaariga iyo wixii saaran ciidanka dowladda” ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu intaa raaciyay in maanta wixii ka danbeeyo gaadiidkii dhinaca jiinka wabiga Shabeelle ku yimaada ay u aqoonsanayaa mid argagixsada la shaqeeyo, tilaabana laga qaadi doono, waxaana uu gaadiileyda faray inay la shaqeeyaan ciidamda amniga si loo sugo amnigooda.

HOOS KA DAAWO HADALKA CALI JEYTE

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -