UNSOM oo balan-qaadyo u sameysay Gudoomiye Madaale iyo Maamulkiisa (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho, iyo xubno ka tirsan xafiiska UNSOM.

Duqa Magaalada Muqdisho iyo Marwo Kiki ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha Amniga guud ahaan dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray sugida Amniga Caasimadda, taasi oo xafiiska Qaramada Midoobey u Amaanay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir doorka muhiimka ah iyo juhdiga uu ku bixiyay sugida Amniga Muqdisho.

Sidoo kale kulankan, ayaa loogu hadlay xal u helida Arrimaha barakacayaasha maadaama Magaalada Muqdisho ay marti-geliso kumanaan Barakacayaal oo siyaabo kala gedisan ugu kala yimid Gobolada dalka, kuwaasi oo kasoo hayaamay dhibaatooyinka Abaareed iyo dagaalada lagula jiro al-shabaab

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay si dhaw Maamulka Gobolka Banaadir kala shaqeyn doonnaan Arrimaha Horumarka Caasimadda iyo Dib-u-dhiska, iyagoo soo dhaweeyay Qorshaha Duqa Magaalada Muqdisho ee dib ugu dhawaaqista Barnaamijkii hirgalay ee dalkaaga ku dhiso 1 Dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -