Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada oo dabo gal ku bilowday sida ay u socoto Shaqada Dekada Muqdisho (Daawo Sawiro)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kormeer uu ugu kuurgalayo sida ay u socdaan shaqada waxa uu ku tagay dekada Muqdisho.

Kormeerka uu maanta Wasiirka Maaliyada ku tagay Dekadda Muqdisho ayaa ujeedkeedu ahaa dabo galka iyo hubinta qaabka ay shaqada Dekadda u socoto iyo u adeegida Shacabka wax kala soo degaya Dekadda.

“Maanta waxaan kormeer ku tagay Dakadda Muqdisho ka mid ah ilaha dhaqaalaha Dalka kuwa ugu muhiimsan, si aan u hubiyo qaabka ay shaqadu usocoto. Waxaan dul istaagay goobaha ay sida gaarka ah uga socotay shaqada iyo u adeegida shacabka wax kala soo dagaya Dakadda Magaalada Muqdisho.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada.

Kormeerka uu Wasiirka Maaliyada maanta ku tagay Dekadda Muqdisho ayaa kusoo aadeysa xili dhawaan gudaha Dakeda laga soo xiray masuuliyiintii Wasaarada Maaliyada u xil saarnaa Kastamka Canshuuraha Dekada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad dhac ku geysaneysay bastoolado caag ah oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhiban C/raxmaan C/shakuur oo saacado ka dib ka hadlay xilka loo Magacaabay

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Ciidamada Booliiska Haramcad ee la wareegay amaanka Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---