Xildhiban C/raxmaan C/shakuur oo saacado ka dib ka hadlay xilka loo Magacaabay

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay xilka Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya ee uu maanta u magacaabay Madaxweynaha Somalia.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilkaas oo uu xusay inuu yahay mid waqti kooban soconaya, isagoo Madaxweyne Xassan Shiikh uga mahad celiyey xilka uu ku aaminay.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO DHIGAY BARTIISA FACEBOOK OO SIDAN KU BILOWDAY:-

Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadka farriimaha dhiirragelinta ah ii soo diray, oo ay ugu horreeyaan madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, xildhibaannada, siyaasiyiinta, asxaabta, taageerayaasha, iyo safiirrada beesha caalamka.

Sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh mas’uuliyadda uu maanta ii igmaday waa mid samafal  iyo tadhawuc ah, waqti cayimana leh oo loogu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu waxyeelleeyeen.

Madaxweyne Xasan wuu ku mahadsan yahay inuu mudnaan siiyo gurmadka abaaraha, iguna aamino hawshaas culayska leh. Waxaan Ilaaheey ka baryayaa inuu iigu shafeeco niyadsamida aan mas’uuliyadda ku qaaday, oo uu hawsha ila garabgalo oo uu ka dhigo gurmadka mid lagu guulaysto oo dad badan dhibaatada ka saara.

Waxaa xusid mudan in aan nahay adeegayaal shacab, mana jirto baahi ka wayn ama mudnaan maanta ka saraysa gurmadka abaaraha.

Waxaan ka cudurdaaranayaa in aan asxaabta dhammaantood u jawaabi karin. Ducadiina iyo garab istaagiinna waa noo muhiim.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -