Burcad dhac ku geysaneysay bastoolado caag ah oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Rag Burcad ahaa oo dadka ku dhaceyay xaafadaha ayaa caawa lagu qabtay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidanka Booliska ayaa caawa howlgal ku soo qabtay labo ka mid ah burcadda kuwaasoo Bastoolado caag ah dadka dhac ugu geysanayey.

Labada nin ee burcadda ah ayaa lagu qabtay nawaaxiga isgoyska Degmada Howlwadaag xili ay ku guda jireen iney shacabka ka dhacaan telefanada gacanta iyo agabka kale ee qiimaha leh.

Waxaa si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho Howlgalka Ka dhanka ah burcadda tuugada ah ee Bulshada caasimada dhibka ku haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -