Dil ka dhacay duleedka Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dabley hubeysan ayaa maanta degaanka Tabeelaha Shiikh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho waxay ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga hubeysan ay askarigan ugu yimaadeen goob uu fadhiyay, ka dibna ay rasaas la dhaceen, iyagoo ugu dambeyn goobta ka baxsaday, waxayna horey u sii qaateen qorigii uu watay.

Mahad Macow Afrax oo ah askariga la dilay ayaa ka mid ahaa ciidanka ilaalada xarunta maamulka degaanka Garasbaaley,  sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Ciidanka ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, halkaasoo ay ka qaadeen meydka marxuumka la dilay, waxayna ciidanka sameeyeen baaritaan aan la sheegin cid lagu soo qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -