Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Gaas oo lagu kala diray Golle Deegaan

Wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu kala diray golihii deegaanka Degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Kala dirista golaha Deegaanka Degmada Badhan ayaa sabab looga dhigay kadib markii ay gudan waayeen waajibaadkii shaqo ee loo igmaday , waxaana kala dirista golahan deegaan soo jeedisay Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland.

Halkan ka Akhriso Wareegtadan lagu kala diray Golaha Deegaanka Badhan

Xeer Madaxweyne Lr. 105 August 19, 2018, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Tala soo jeedinta Wasaarada Arimaha Gudaha, Dowladaha Hoose Iyo Hirumarinta Reer Miyiga.

Markay Caddaatay: In ay hanan waayeen shaqadii loo igmaday.

Waxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Badhan.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu

-DHAMMAAD-

Kala dirista golaha deegaanka degmada Badhan ayaa kusoo beegmaysa xili bilooyinkii lasoo dhaafay uu madaxweyne Gaas kala diray golayaashii degmooyinka Bosaso,Garowe Qandala iyo Badhan oo uu maanta gaas kala diray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -