Gudoomiye Degmo oo xil ka qaadistiisa ka dhax arkay barta Facebook

Wasaarada Arimaha Gudaha Maamulka Hirshabelle ayaa dhawaan xilka ka qaaday qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Hiiraan , waxaana xil ka qaadistaasi kasoo horjeestay Gudoomiyaasha shaqada laga tiray qaarkood.

Guddoomiyihii degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidoow oo kamid ahaa xubnaha xilka laga qaaday ayaa sheegay in aan lagu soo war galin xil ka qaadista lagu sameeyay balse uu ku arkay Facebooka.

”In xilka la iga qaaday cid igu soo war galisay ma jirto, Facebooka un baan ka dhax arkay in xilka la iga qaaday, xil waa la iska qaadi karaa laakin waxaa fiican in wadada saxda ah loo soo maro” Ayuu yiri Fiidow.

Maamulka Hirshabelle ayaa marar badan xilka ka qaaday qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in Hirshabelle ay marar badan xilal u magacawday dad aan ka war heyn in xil loo magacaabayo halka dad aan lagu war galin xil ka qaadista qoraalo lagu baahiyay Warbaahinta xilka looga qaaday.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -