Gaari Rakaab ah oo lagu qarxiyay Duleedka Balcad iyo dad badan oo ku dhamaaday

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in goordhaw deegaanka Gololey oo ku dhaw degmada Balcad lagu qarxiyay gaari caasi ah oo saarnaayeen dad shacab ah.

Gaarigan oo ka baxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Jowhar ayaa la sheegay in ay saarnaayeen dad gaaraya 20-qof, waxaana gaariga qabsaday miino hareeraha wadada la galiyay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in qaraxaasi ku dhinteen inta badan dadkii saarnaa gaariga caasiga , waxaa sidoo kale jira dhoor qof oo qaarkood dhaawacyo culus kasoo gaareen qaraxa goordhaw dhacay.

Ciidamo katirsan kuwa dowqlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaa oo u gurmanaya shacabkii waxyeelada xoogan kasoo gaartay gaariga haleelay gaariga rakaabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -