Madaxweyne Farmaajo oo soo gebagebeeyey booqashadii Garoowe (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo muddo sagaal cisho ah Garowe u joogey shirkii Wada-tashiga Madaxda Soomaaliyeed ayaa maanta soo gebagebeeyey booqashadii uu halkaas u tagay.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka soo ambabaxay magaalada Garoowe ayaa la filayaa iney goor dhow dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Madax fara badan oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka dayuuradaha Garoowe ku soo sagootiyey wafdiga Madaxweyne Farmaajo.

Shirkii Garoowe uga socday Madaxda dowladda Federaalka  iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, hase yeeshee shirkaas ayaa ku soo dhamaaday guuldaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -