Faraanti lumay 12-sano kahor oo laga helay meel aan laga fileyn !! (Daawo Sawirro)

Faraanti Dahab ka sameysan oo lumay 12-sano kahor ayaa laga dhax helay beer isaga oo ku dhax jira Karooto, waxa ayna arintan lama filaan ku noqotay qoyskii iska lahaa faraantigan lumay.

Lin Keitch oo ah 69 -sano jir ayaa heshay faraanti ka lumay 12-sano kahor , waxaana faraantigan haweeneydan hadiyad ahaan ugu keenay Seygeeda markii ay u dabaal dagayeen 40-sano guuradii kasoo wareegtay guurkooda.

Haweeneydan ayaa heshay faraantiga xili ay dhaqeysay khudaar kasoo go’day beer guriga ugu dhax taala, waxa ayna si lama filaan ah faraantigeeda oo sanado maqnaa uga dhax heshay isaga oo ku dhax jira karooto.

Sida ay ku warantay BBC-da qoyska faraantiga ka maqnaa ayaa lama filaan ku noqotay in ay dib u helaan faraantiga oo qiimo badan ugu fadhiyay, waxa ayna sheegtay Lin Keitch in arintan ay tahay mid malyankii jeer mar un dhacda.

“Waxaan soo jaray khudradda, cawska ayaan ka guray. Ka dibna waxaan is iri Waa maxay waxaas? Mise waaba faraantigaygii ,”Dave ayaa ii soo gaday markii aan u dabaal degayey sannadguuradaydii 40aad, laakinse markii uu iga yaraaday ayaan siiyey gabadheenna” ayey tiri. “Ayey tiri Lin Keitch.

Warbaahinta Caalamiga ah qaarkood ayaana sheekooyin kala duwan ka qoray faraantigan lumay 12-sano kahor oo hadana dib loo helay, waxaana sheekadan sidoo kale aragtiyo kala duwan ka dhiibtay dadkii ka daalacday Warbaahinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -