Macalimiin ka yimid Wadanka Sudan oo lagu soo dhoweeyey Jaamacadda Benaadir (Daawo Sawirro)

Munaasabad lagu soo dhoweynayey Macalimiin ka timid Jaamacadda caalamiga ah ee Afrika (International University oo Africa) ee dalka Sudan, kuwaasoo marti u ah Jaamacadda Banaadir oo ka mid ah jaamacadaha dalkeena ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Macalimiintan ayaa muddo bil ka badan duruus taxane ah ka bixin doona qeybta waxbarashada sare ee Jaamacadda Banaadir (Master) gaar ahaan taqasuska shareecada iyo Qaanuunka, iyadoo arintani ay ka dambeysay heshiis iskaashi oo sanado ka hor hor ay kala saxiixdeen Jaamacadaha Banaadir iyo International University oo Africa.

Xiriiriyaha Barnaamijka waxbarashada sare ee labada Jaamacadood Dr. Mohamed Xaaji ayaa sheegay in Macalimiintan ay duruus taxane ah siin doonaan dufcadii labaad ee iska diiwaan gelisay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka, isagoo xusay in dufcadii ugu horeysay ay haatan dhameysteen waxbarashada, ayna isku diyaarinayaan iney buugga qalin jebinta difaacdaan.

“Iskaashiga labada Jaamacadood ayaa suurageliyey in dad badan oo duruufaha jira aysan u saamaxeyn iney dibeda aadaan ay dalkooda ka helaan waxbarashadii ay u baahnaayeen waana fursad qaali ah oo mudan in laga faaiideysto. Macalimiintana waxaan uga mahad celinaynaa waqtigooda qaaliga ah ee ay inoo hureen si ay aqoontooda nooga faaiideyaan” ayuu intaa ku daray Dr. Mohamed Xaaji oo u mahad celiyey masuuliyiinta labada Jaamacadood oo uu xusay iney dedaal badan u galeen arintan.

Macalimiinta ka yimid dalka Sudan oo lagu kala magacaabo Prof. Muusa Mohamed Ali Cabdalla, Dr. Ahmed Fakir Hussein Mohamed iyo Dr. Omar Abuu-Cubeydah oo iyana ka hadlay xafladan ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho iyagoo ka mahad celiyey sida diiran ee dalka loogu soo dhoweeyey.

Sidoo kale, Macalimiintan ayaa sheegay in mudada ay dalka joogaan duruus taxane ah ka bixin doonaan taqasuska Qaanuunka iyo shareecada ee ay iskaashanayaan labada Jaamacadood, ayna ku dedaali doonaan intii karaankood ah iney aqoontooda uga faaiideyaan ardayda u diiwaan geshan taqasuskan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo gebagebadii munaasabadan ka hadlay ayaa ku dheeraaday dedaalka Jaamacada Banaadir u gashay sidii dalka loo keeni lahaa taqasuskan oo uu sheegay markii hore dalka dibediisa loo aadi jiray, qarash iyo dhibaato badana laga mudan jiray balse taas ay laga gudbay sanado ka hor.

Dr. Dalmar ayaa a u mahad celiyey macalimiinta ka socota Jaamacadda International University of Africa ee suurageliyey in taqasusyadan laga bixiyo Jaamacadda Banaadir sanadkii 3aad.

“Jaamacadaha Banaadir iyo International University oo Africa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer iyo iskaashi muddo badan soo jiray, mana ahan markii ugu horeysay ee ay macalimiin noo soo diraan, waxaana rajeynaynaa mustaqbalka inuu sii xoogeysto xiriirka labada Jaamacadood’ ayuu yiri Dr. Dalmar.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ayaa intaa ku daray in ardayda sanadkan iska diiwaan gelisay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka iyo kuwa dhameystay looga fadhiyo mustaqbalka dhow iney wax ka bedelaan dhibaatooyinka ka jira garsoorka iyo cadaalada marka ay ka howlgalaan Maxkamadaha dalka, taasoo uu xusay iney tahay ujeedada ugu weyn ee taqasuskan loo keenay dalka.

Qaar ka mid ah ardayda ku howlan  barashada taqasuska shareecada & Qaanuunka ayaa u mahad celiyay macaliminta reer Sudan ee ka socday Jaamacadda International University of Africa iyo Jaamacada Banaadir oo suuragelisay in iyagoo dalkooda jooga ay helaan taqasusyadan, waxayna balan-qaadeen iney ka faaiideysan doonaan.

Jaamacadaha Banaadir iyo International University of Africa ee dalka Sudan ayaa bishii Abriil ee sanadii 2016  Muqdisho ku kala saxiixday Heshiis iskaashi oo dhigayey in ardayda dhameysatay kuliyada Qaanuunka & shareecada ee Jaamacadda Banaadir iyo Jaamacadaha kale ee dalka ay helaan taqasusyo isugu jira waxbarashada heerka labaad (Master) iyo Waxbarashada heerka 3aad (Phd).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -