Allbanaadir.com
NEWS

Hoobiye ka haboobay xero Tababar ciidan ka socday oo dad Shacab ah dilay

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay hoobiye ka haboobay xero milatari oo ay tababar ku sameenayeen ciidamo katirsan milatariga dalka Hindiya, waxaana hadda socda baaritaano ku aadan shilkan.

Ciidamada tababarka sameenayay ayaa ridayay hoobiyaal, waxaana mid kamid ah hoobiyaasha uu ka habaabay bartil-maameedkiisa, waxa uuna ku dhacay guri kuyaalla tuulada Gularved ee Degmadda Jaya ee Gobalka Bihar ee Bariga dalka Hindiya.

Inta la xaqiijiyay hoobiyahan waxaa ku dhintay saddex qof oo shacab ahaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dhoor qof oo kale, dadka dhintay waxaa ku jira lamaane guriga hoobiyaha ku dhacay marti ku ahaa.

War kasoo baxay dowladda Hindiya ayaa loogu tacsiyadeeyay dadka ku dhintay hoobiyahan qaldamay, waxa ayna masuuliyiin dowladda katirsan sheegeen in la baarayo sida hoobiyahan qaldamay ku dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dowlad goboleedkii ugu horeeyey oo la gaarsiiyey Agabka Doorashada Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Beesha caalamka oo fariin u dirtay Madaxda Soomaalida ee ku shirsan Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Dhigiisa Kenya iyo waxyaabihii ay kawada hadleen

Cabdi Cade