Allbanaadir.com
NEWS

Agaasimihii Wasaarada Amniga oo shaqada lagu soo celiyay iyo Sababta xiligan keentay

Wasiirka Amniga gudaha xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa dib usoo celiyay agaasimihii guud ee Wasaarada uu horey shaqo joojin ugu sameeyay uguna bedelay booskiisa agaasime cusub.

Sida aan wararka ku helnay Wasiirka amniga iyo agaasimaha hada la bedelay ee Axmed Cabdi Kooshin ayaa isku fahmi waayay sida ay u socoto shaqada Wasaarada, waxa uuna Wasiirka Amniga go’aansaday in uu shaqada ka fariisiyo agaasimahaasi.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga gudaha Ducaale ayaa lagu shaaciyay in shaqada lagu soo celiyay agaasimihii hore ee Wasaaradaas Yuusuf Cali Maxamed oo horey shaqo joojin iyo xil ka qaadis ugu sameeyay Wasiirka.

Wararka kale oon helnay ayaa sheegaya in agaasimaha hada laga qaaday Wasaarada Amniga Axmed Cabdi Kooshin loo bedelayo Wasaarada Gaashaandhiga oo si weyn loo hadal hayo in xilka laga qaadayo gabadha agaasimaha guud ka ah Wasaaradaasi.

Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya aya ahorey cadaadis badan uga kulmay beesha uu kasoo jeedo ee Abgaal kadib markii uu shaqada ka eryay agaasime Yuusuf Cali oo isna kasoo jeeda Beesha Abgaal gaar ahaan Waceysle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan Magaalada Davos ku dhexmaray Raisul Wasaaraha Somalia & Cristalina Georgieva

Caydiid Ali

Musharaxiinta oo shuruud adag ku xiray dalabkii Farmaajo ee ahaa iney kulmaan

Caydiid Ali

Shiikh Shariif oo danjiraha Maraykanka u gudbiyey go’aan ku saabsan doorashada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---