Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya & Eritrea oo ciidamo soo dhoobay xadka labada dal

Xuduudda u dhaxaysa dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo military oo xooggan, iyadoo laga cabsi qabo inuu halkaas hal qarxo dagaal fooda la is daro.

Labada dhinac waxay wadaan diyaar garow dagaal, Eritrea ayaa soo dhoobtay ciidamo lixaad leh xadka ay la wadaagto Itoobiya  sidoo kale Itoobiya ayaa dhan keeda wada diyaar garow xoogan oo military.

Ciidamada Keydka ee Eritrea ayaa la sheegay in heegan sare la geliyey, iyadoo Itoobiya dhankeeda laga dareemay xiisad dagaal iyo mowjado colaadeed.

Itoobiya waxay ku xisaabtamaysaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn inkastoo ay Eritrea qudheedu haysato diyaaradaha dagaalka oo ay ka mid yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Ciidanka dhulka inkastoo ay ciidamada Itoobiya ay badan yihiin haddaba Eritrea ayaa awood badan hadii dagaal fooda la isdaro, waxay leeyihiin khibrad dagaal iyo tababar aad u sareeya

Itoobiya ayaa la sheegay awoodeedu ay kala qaybsan tahay waxaana mucaarad ku kacsan oo ka soo jeeda Tigray iyo axmaaro

Labada dhinac oo isku soo dhowaaday markii uu talada dalka la wareegay RW Abiy Ahmed ayaa kala booday markii Itoobiya ay heshiis nabadeed la gashay xoogaga Tigray kasoo lagu soo afjaray dagaalkii labada dhinac dhinac dhexmaray sanado ka hor.

Eritrea oo cadaawad adag ay kala dhexeyso xoogaga Tigray ayaa dagaalkaas qeyb ka aheyd iyagoo taageerayey ciidamada Itoobiya, waxayna ka carootay heshiiska dhexmaray Addis ababa iyo Tigray oo ay sheegtay inaan lagala tashan tasoo sababtay inuu xumaado xiriirka labada dal.

Related posts

Golaha Wasiirada Somalia oo isugu yimid kulan looga hadlay qodobo xasaasi ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay degmada Balcad ku soo arkeen Wasiiro ka tirsan DFS oo booqday? (Sawiro+Video)

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey dagaalo ka qarxay gobolka Hiiraan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---